February 15, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda galmudug Xalay Fiidkii.

Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaas labadii habeen ee la soo dhaafay taasi oo shaki ku abuurtay magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo ka wadda halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen in diyaaraddan laga shakiyay, kadibna ay u howlageen sidii loo qaban lahaa, xalayna gacanta lagu dhigay.

Xafiisska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply