Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.
Warka ay qortay wakaaladda wararka Reuters waxaa beeniyay wasiirka wafaafinta dowladda Soomaaliya, Daud Aweys.
“Soomaaliya waxay si xooggan u beenisay warka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan”.
Itoobiya ayaa bishii Janaayo la gashay Somailland heshiiska ay 20 km kaga kireysaneyso xeebta Somaliland.
Sidoo kale Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in Somalia aysan marna aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay saldhig ciidamo kaga dhisaneyso Somalialnd ayna ka fiirasnayaan in la siiyo dekad ganacsi hadii taas laga hadlo.
Xafiisska Wararka Muqdisho