October 10, 2024

Diyaarad nooceedu yahay laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku burburtay koonfurta gobolka Belgorod ee xuduudka la leh dalka Ukraine.

Ugu yaraan 65 qof oo maxaabiis dagaal ahaa kana soo jeeda Ukraine ayaa ku dhintay shilka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Ria Novosti ayaa sheegtay in sagaal qof oo kale ay saarnaayeen, oo ay ku jiraan lix shaqaale ah.

Barasaabka gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay inuu ka warhayo “dhacdada” balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad ku dhacaysa meel u dhow tuulada Yablonovo waxaana xigay qarax la maqlay.

Sidoo kale Afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Kremlin-ka ay ka war hayeen burburka diyaaradda balse ay diideen in ay faah faahin ka bixiyaan.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply