Wararka ka imanaya magalada Boosaaso ayaa sheegaya in Qarax loo maleynayo inuu yahay miino waddada dhankeeda la dhigay lala beegsaday booyad biyo oo ay leeyihiin ciidanka badda ee Puntland ee loo yaqaano PMPF.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in booyada oo mareysay waddada laamiga meel u dhexeysa deegaanka Fun City iyo Al-Macruuf ee duleedka Boosaaso in ay la qaraxday miinada taasoo booyada burburisay.
Labo askari oo booyada saarnaa ayaa la sheegayaa inay ka badbaadeen weerarka qaraxa.
Ciidanka PMPF oo loogu talagalay la dagaalanka burcad badeeda ayaa waxaa tababaray, taageerana siiya dowladda Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay qarax miino oo lagu aasay goob maqaayad ah ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux.
Office Nairobi Kenya