September 12, 2024

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ayaa tobanaan qof ku dilay gobolka Axmaarada sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo ilo ka shaqeeya isbitaal.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in uu Isniintii ka dhacay meel u dhow magaalo yar oo lagu magacaabo Sasit oo ku taalla bartamaha dalkaasi xilli uu gaari xamuul ah ku soo dajinayay dad rakaab ah .

Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore dagaal kula jira jabhad deegaanka ah oo lagu magacaabo Fano.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ilaa 30 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 16 qof oo hal qoys ay naftooda ku waayeen weerarka.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 18 qof ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo saddex ka mid ah ay dhinteen markii la geeyay goob caafimaad.

Isku dhacan ayaa qarxay sanadkii hore markii mas’uuliyiintu ay go’aansadeen in la kala diro koox dabley ah oo asalkoodu yahay qowmiyad, xubnahoodana lagu daro ciidamada kale ee heer gobol iyo kuwa qaranka.

Dowladda ayaan wax jawaab ah ka bixin wararka sheegaya weerarkii Isniintii.

Gobolka Axmaarada ayaa waxa uu ku jiray xaalad deg deg ah tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply