Diyaaradda Boeing ayaa u sheegtay shirkadaha diyaaradaha ee 787 Dreamliner in duuliyayaasha looga baahanyahay inay hubiyaan kuraastooda, iyadoo uu socdo baaritaanka shil ka dhacay diyaaradda Latam.
Arinkan ayaa yimid ka dib markii 50 qof ay ku dhaawacmeen toddobaadkan markii diyaaradda 787 ay si lama filaan ah u soo dhacday intii lagu jiray duulimaadka Latam Airlines.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada ay si lama filaan ah ugu dhacday kursiga duuliyaha ,taasi oo duuliyaha ku riixday koontaroolada,taasi oo qasabtay in ay diyaarddu ay madaxa hoos marsato. Shirkadda Latam ayaa taageertay baaritaannada.
Intii uu shilkan socday dadka ayaa lagu tuuray saqafka sare ee diyaaradda, taas oo ka timid Australia kuna socotay New Zealand.Brian Jokat oo rakaabka ahaa ayaa sheegay xiligaas in tiro dad ah ay dhaawacyo ka soo gaareen madaxa.
Isagoo la hadlayay BBC-da, Mr Jokat ayaa daaha ka qaaday in dadku ay xoog ugu dhaceen saqafka “qeybo ka mid ah saqafka ayaa jabay”. Adeegyada gargaarka degdegga ah ayaa markii dambe sheegay in hal qof uu ku jiro xaalad halis ah.
Boeing waxa ay tiri: “Baaritaanada Duulimaadka LA800 waa socdaa, waxaana u gudbineynaa maamulka natiijada baaritaanka wixii suurtagal ah.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho