December 6, 2024

Dunidu waxaa sare u kacay xiisaha loo qabo faa’iidooyinka caafimaad ee hurdada muddo toban sano ka badan. Taas waxaa daliil u ah maalinta hurdada aduunka oo la bilaabay in la xuso sanadkii 2008,

Tani waxay ku timid aqoonsiga dhibaatooyinka ay dad badani la kulmaan xilliga hurdada, sababtoo ah hurdo la’aanta ayaa la aaminsan yahay inay si xun u saameyneyso waxsoo saarka dhaqaalaha iyo caafimaadka qofka .

Tani waxay ku timid aqoonta iyo cilmi-baarista ay sameyeen khubarada daawaynta hurdada ee adduunka si ay u yareeyaan dhibaatooyinkaas. Waxaa hadda si weyn loo rumeysan yahay in caadooyinka qaarkood ay hagaajin karaan hababka hurdada, sida ku dhegganaanta joogtada ah iyo ka ogaanshaha shaashadda wax yar ka hor wakhtiga jiifka.

Waxa kale oo jira caddayn isasoo taraysa oo muujinaysa in gogosha ama sariirt aaad ku jiifaneysid ay saameyn ku leedahay tayada hurdada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply