December 6, 2024

Taliyaha ciidamada Pakistan ee awooda badan ayaa ku booriyay dalka in uu ka tago ” fowdad” iyadoo laba ra’iisal wasaare hore ay ku dhawaaqeen in ay ku guulaysteen doorashada halkaas ka dhacday.

Natiijooyinka ugu badan ayaa waxaa helay, musharrixiin madax-bannaan oo lala xiriirinayo ra’iisul wasaarihii hore ee Imran Khan oo xabsiga la dhigay iyagoo ku guuleystay inta badan kuraasta.

Balse Nawaz Sharif, oo ahaa ra’iisul-wasaarihii hore ee sida weyn loogu arko inuu haysto taageerada ciidamada, ayaa ku booriyay kuwa kale inay isaga ku biiraan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale diiday dhaleeceynta reer galbeedka ee ku aadan qaabka doorashada loo agaasimay.

Iyadoo aysan jirin natiijo cad, General Caasim Muniir ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan biseyl iyo midnimo, isagoo sheegay in siyaasadda ku saleysan kala-soocidda aysan ku habboonayn waddan horumarsan oo 250 milyan oo qof ay kunool yihiin.

 

BBC

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply