September 12, 2024

Dowlada Haiti ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo soconeysa 72 saacadood maalintii Axada kadib markii kooxo hubeysan ay weerareen xabsiga weyn ee Port-au-Prince.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay halka 3,700 oo maxbuus ay ka baxsadeen xabsiga.

Hogaamiyayaasha kooxaha burcadda ah ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ku qasbaan in uu iscasilo R/wasaare Ariel Henry oo safaro dibadda ah u baxay.

Kooxaha doonaya inay ka saaraan isaga ayaa maamula ku dhawaad ​​80% Port-au-Prince.

Dagaallada gaangiska ee rabshadaha wata ayaa kumannaan qof ku dilay dalkaas tan iyo 2020-kii.

Bayaan ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in labo xabsi – mid ku yaalla caasimadda iyo kan kale oo ku yaalla agagaarka Croix des Bouquets – la weeraray dhammaadkii toddobaadka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply