January 25, 2025

Kornayl ka tirsan ciidamada Mali ayaa lagu xiray buug uu dhawaan soo saaray, kaasoo ka koobnaa eedeymo ku saabsan in ciidamadu ay gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha u geysteen dad rayid ah.

Buug ka kooban 400 bog oo cinwaankiisu yahay Mali: Caqabadda Argagixiso ee Afrika, Col Alpha Yaya Sangaré, isagoo soo xiganaya hay’adaha xuquuqul insaanka, wuxuu qoray: “Tan iyo 2016, FDS [Ciidanka Difaaca iyo Ammaanka] waxay ku hawlanaayeen tacaddiyada ka dhanka ah dadka lagu eedeeyay inay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada ah”.

Waxa uu intaa ku daray in shaqaalaha ciidamadu ay gaysteen xadgudubyada “iyaga oo ay ka qayb qaadanayaan madaxda sare ee militariga”.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply