Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiysay in saddex sarkaal looga dilay weerarkii uu askari tababar ku jiray ka fuliyey xerada Jeneral Goordon ee magaalada Muqdisho, habenekii Sabtida.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn uu ka mid yahay xubnaha la dilay, ayada oo sidoo kalena laba kale ay dhaawacmeen.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Waxay ku guda jireen gudashada waajibaadkooda shaqo ee tababarrida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.”
Sidoo kale Wasaaradda gaasshaandhigga ayaa sheegtay Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan aadka u xun.
Office Nairobi Kenya