Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan sayrtay ka qeyb-galka shir-madaxeedka dalalka IGAD oo dhawaan ka dhacaya dalka Uganda.
Shirkaan oo uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.
Itoobiya oo ka meer-meeraysanaysa inay ka soo qeyb-gasho shirkaasi ayaa warqad ay u dirtay IGAD ku marmarsiyootay in jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suurta-gal aheyn.
.
Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ay diiday casuumaada shirkaan, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.
Office Nairobi Kenya