Dowladda Kenya ayaa markale isku dayeysa in ay xal uhesho xiisada labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, horey Kenya waxa ay isugu jitaabisay in ay xal gaaraan wufuud labada dhinac ah oo isugu keentay Nairobi, lakiin waa lagu kala booday kadib markii ay Itoobiya diiday in ay nuqulka koowaad ku cadeyso in ay kalaabteen heshiiskii ay lagaleen Soomaaliland.
Markale dowladda Kenya waxa ay abuurtay qorsho kale oo dalalka gobolku ku wadaagayaan qeyraadka badda, iyadoona meesha laga saaraayo arrimaha ciidamada lana dhowraayo madaxbanaanida dal walba.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khamiistii lakulmay dhigiis Kenya William Ruto, iyadoo wakaaladaha wararka ay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh lala wadaagay soo jeedintan cusun, iyadoo sida lasheegay in Kenya ay arrintan katalo galisay Jabuuti iyo Urur goboleedka IGAD.
Labada wadan ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay kasoo fakaraan arrintaan, markaas kadibna waxaa laqorsheynayaa in uu dhoco kulan guud oo ay markii kowaad isasoo hor fadhiistaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Abiy Axmed, tan iyo bishii Janaayo ee sanadkna markaas oo ay Soomaaliya siweyn uga hortimid is afgaradkii Soomaaliland ay lagashay Itoobiya.
Qorshaha Kenya waxa uu dhinaca kale imaanayaa, iyadoo ay dowladda Soomaaliya heshiis badeed lagashay dowladda Turkiga, dadka falanqeeya arrimaha bariga Africa waxa ay sheegayaan in ay walaac kaqabaan heshiiska ay Soomaaliya lagashay Turkiga iyo saameynta ay kuyeelanayaan dalalka kabaxsan Africa, waxaa kaloo suurta gal ah in ay arrinta ya kulug leeyihiin dalal reer galbeed ah oo raba in ay Soomaaliya ay dib ugu gurato heshiiska ay lagashay Ankara.
Inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay beenisay in mowduucaan laga wada hadlay hadana Soomaaliya ma inkirsana in Kenya waayahaan ku mashquulsaneyd in xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya ay xaliso, William Ruto ayaa umuuqda mid raadinaaya in uu noqdo hoggaamiyaha gobolka, sidoo kale wuxuu booqasho rasmi ah dhamaadka bisha May kutagayaa aqalka cad ee Mareykanka, isagoona lakulmi doono madaxweyne Joe Biden waxaana sida muuqata la raajicinaayaa in William Ruto in uu halkaas latago fikrad kaweyn waxa kadhexeeyo Mareykanka iyo Kenya.
Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uma badna in ay hadda heegan uyihiin in ay dib uga gurtaan heshiiska heshiiska aan wali la arag waxa kuqoran ee lala galay Turkiga, lakiin dhinaca kale lama dhayalsan karo fikrad ay kumideysan yihiin dalalka gobolka.
In si ganacsi ah ay dalalka ukala faa’ideystaan malahan cadaadis badan, laakiin Soomaaliya waxaa kusoo laabanaaya maku jirtaa marxalad ay kugali karo heshiis noocaas ah iyadoo aan laheyn ciidan kufilan ammniga badeheeda, dalkana ay qeybo kamid ah ay argagixiso heysato, siweyn ay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe isku khilaafsan yihiin kheyraad wadaaga.
Waxaa hadda lasugayaa jawaabaha iyo talaabooyinka soo aadan, iyadoo laga yaabo in ay qorshahaan siweyn ugu farxi doonaan dalalka aan badaha laheyn ee kujra Urur goboleedka IGAD sida Itoobiya, Uganda iyo South Sudan.
Xafiiska Wararka Muqdisho