December 6, 2024

 

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayuu kaga jawaabay cabashooyin ay beeraleydu ku qabeen ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha gudaha caasimadda.

 

Warbixin ay dhawaan bahisay Shabelle ayaa sabab u ahayd in dowladda federaalka Soomaaliya ay jawaabtan bixiso, si wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan ganacstada.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in amaanka oo laga shaqeeyo ay sahleyso in laga hortago weerarada Al-Shabaab, si aysan ugu soo dhex dhuuman gadiidka wada khudaarta.

“Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahy in ay caawiso beeraleyda ,in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii waxsoo saarkoodu u fiicnaan lahaa,masuuliyadaa ayaana u taaganahnay” ayuu yiri wasiir Mareeye.

Sidoo kale Jimcihii ayay ahayd markii ay Shabelle la hadleen qaar kamid ganacsatada khudaarta oo ka cabanayay gaadiidkooda oo lagu xanibay baraha laga soo galo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply