Dowladda Mareykanka ayaa markale taageero u muujisay dowladda Soomaaliya, oo xilligaan ay is-hayaan Itoobiya oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee ayaa shaaciyya in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka uu walaac ka qabo heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, inuu wax weyn u dhimi karo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeyb qaadaneyso la-dagaalanka Al-Shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in uu taageersan yahay wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, xilli labada dhinac ay sii kala fogaanayaan kadib markii Somaliland ay Itoobiya kula saxiixatay Addis Ababa heshiis ay ku siineyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Maraykanka oo mar horey caddeeyay mowqifkiisa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa in markale uu adkeeyo u muuqata sida uu uga walaacsan yahay khatarta ka dhalan karta heshiis beenaadkaasi.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii caalamka ugu taageeri lahaa qaraarka ay ku diideyso heshiiskaasi, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply