Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga u ansixisay 40 diyaaradood oo cusub oo ah nooca F-16 kuwaas oo qiimahoodu ku fadhiyo $23 bilyan oo doolar – tallaabadaas oo muddo dheer dib u dhacday – kadib markii Ankara ay ogolaatay in Sweden ay Nato ku biirto.
Heshiiska waxaa ku jira qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu dayac tiro 79 diyaarad oo ah isla noocan oo Turkigu hore usii haystay.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay Congress-ka in ay sidoo kale ogolaatay in Giriiga laga iibiyo 40 dagaalyahan oo F-35 ah, taasoo ku kacaysa $8.6 bilyan.
Turkiga ayaa ansixiyay ku biiritaanka ee Iswiidhan Nato ka dib in ka badan hal sano oo dib u dhac ah oo xiisad ka dhex abuuray isbaheysiga.
Markii ugu horeysay waxay codsi u dirtay diyaaradahan sanadkii 2021, balse dib u dhac ku yimid ansixinta dalabka Nato ee Sweden ayaa noqotay caqabad weyn. Turkiga ayaa ka walaacsanaa waxa uu ugu yeeray taageerada Sweden ay siiso gooni u goosadka Kurdiyiinta.
Balse xildhibaanada Turkiga ayaa todobaadkan ansixiyay dalabka Sweden waxaana madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan uu bixiyay saxiixii ugu dambeeyay.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markaa ku booriyay in iibinta F-16 la oggolaado “daahid la’aan”.
Office Nairobi Kenya