Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhawayd shaacisay waxa ka dhashay Weerarkii caawa Maqribkii Ciidamada Huwanka ka geesteen inta u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.”
Sidoo kale Kooxda lagu beegsaday howlgalkaan ayaa la socotay gaari xamuul ah, waxayna marayeen deegaanka Cali-Xeyle, howlgalka ayaa dhacay xiligii lagu jiray salaadda Maqrib.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada ka caawiya dagaalka Al-Shabaab ayaa maalmahaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo maalmahaan ka socday gobollada Mudug, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.
Office Nairobi Kenya