Wararka ka imaanaya Magalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan uu kormeer ku tagay Xerada ciidanka ee Madhamaato oo ay dhawaan ka guureen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.
Xeradan oo ay la wareegeen Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadoow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada madhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo, maalnimadii shalay.
Xeradaan madhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya ee katirsan ATMIS ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto, ka dib munaasabad ka dhacday xerada.
Office Nairobi Kenya