UK ayaa cunaqabteyn saartay afhayeenka baarlamaanka Uganda iyo sidoo kale labo xildhibaan oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Qoraal ay soosaaren ayaa lagu sheegay in ay xatooyo ku sameeyeen bulshooyinka dalka ugu saboolsan sidaa darteed ay tahay in la saaro xayiraado safarka iyo mid hantiyeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa sheegtay labo wasiir oo hore, Mary Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu, in ay xadeen malaayiin lamayeero oo loogu talogalay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool gobolka Karamoja.

Waxaa la sheegay in Afhayeenka, Anita Among, ay sidoo kale ku lug laheyd musuqmaasuq la xiriira dhaqaalaha barlamaanka.

Ms Among waxay ku tilmaantay eedaha in ay been yihiin. Waxay sheegtay in sababtu ay tahay taageerada adag ay siisay sharciga looga horjeeday dadka iskujinsiga ah ee wax iska doona.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply