Dowlada Britan ayaa sheegtay in aysan degdeg ku heli karin in ka badan kala bar ku dhawaad lix kun oo la geyn lahaa Rwanda taas oo qeyb ka aheyd siyaasadda cusub ee barlamaanku ansixiyeen toddobaadkii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in qaarkood aysan la soo xiriireynin xafiiska arrimaha gudaha, dowaldana aysan hayn meel lagula xiriiro. Balse wey beenisay in ay lumiyeen raadkooda.

Dukumentiyo ayaa muujinaya in 5,700 oo magangalyo doon ah loo diyaariyay markii hore in la geeyo Rwanda balse 2,143 oo kaliya ayaa wasaaradda arrimaha gudaha la socodsiiya xaalkooda, kuwaas ayaana la heli karaa.

Xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha dadka lagu geynayo Rwanda uu joojinayo muhaajiriinta doonyaha yar yar kaga soo gudbaya dhinaca Faransiiska.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply