December 6, 2024

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar dhinaca Cirka ah maleeshiyaadka al-shabaab loogu geestay  degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya  in duqeyn culus loogu geystay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaamadeedsaday howlgalka.

Guriga la Duqeeyay ayaa la sheegay in uu  ka socday shir xasaasi ah oo xubno Shabaab ah ay halkaas ku lahaayeen.

Sidoo kale Shabaab-ka la duqeeyey waxay ka shirayeen sida ay ka yeelayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka, Haramcad iyo boolis-militeri ay ka bilaabeen aagga deegaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply