November 12, 2024

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Sudan oo dhawaan loo magacaabay ayaa socdaal diblomaasiyadeed ka bilaabay Bariga Afrika iyo Khaliijka.

Safarka Tom Perriello ayaa ku soo beegmaya todobaadyo ka hor sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dagaalkii sokeeye ee Suudaan, wax yar uun kadib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay xabbad joojin inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Booqashadiisa ayaa ku tagi doonaa dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta – oo si weyn loogu eedeeyo inay maalgeliso oo ay hubeyso ciidamada RSF ee Suudaan. Inkastoo ay diideen eedeymaha.

Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply