Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa lagu soo warramayaa inay hakiyeen xayiraaddii dhawaan lagu soo rogay iibka hilibka ee magaalada caasimadda ah ee Kampala, iyadoo uu halkaasi ka dillaacay cudurro xoolaha ka saameeyay dhanka lugta iyo afka .
Saraakiisha caafimaadka ayaa todobaadkii hore soo rogay xayiraadda waxayna amreen in la xiro dhammaan goobaha lagu gowraco si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Laakin wasiirka magaalada Kampala iyo arrimmaha magaalada Minsa Kabanda ayaa Axadii u sheegay wargeyska Daily Monitor in xayiraadda la joojiyay iyadoo dowladdu ay sii wadayso qiimeynta saameynta cudurka uu ku yeeshay caasimadda.
Xafiiska wararka Muqdisho