Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in la dilay nin ganacsade ahaa, dilka ayaa waxaa geystay kooxo burcad ah sida lagu soo waramayo.
Ganacsadaha ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil Xaaji Aadan, waxa uuna kamid ahaa ganacsatada waa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, dilka ayaa waxa uu kadhacay xaafad lagu magacaabo iiro Cabdullahi Yuusuf.
Sidoo kale, dadka deeganka ayaa sheegay in xiliga marxuumka dilka loogeysanaayay uu kusugnaa goobtiisa ganacsiga, dilka kadibna waxaa goobta kabaxsaday raggii dilka geystay waxa ayna kubaxsadeen gaari sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.
Sidoo kale dilka kadib waxaa goobta gaaray laamaha ammaanka ee magaaalada Gaalkacyo, ilaa hadana wax faahfaahin ah kama aysan bixin dilkaasi, maadaama kooxda dilka geysatay aan heybtooda lagaraneynin.
Office Nairobi Kenya