Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta Maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay eedeysane Sayid Cali oo xaaskiisa gubay.
Arintan waxay ka danbeysay ka dib markii buuq lagu furay dowladda, ugu dambeyn NISA ayaa iska wareejisay ninkii xaaskiisa nolosha ku gubay.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyeen ninkan.
Sidoo kale Aabaha iyo ehelada kale ee marxuumad Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda filinjeero ku jiro ayaa codsaday in caddaaladda la horgeeyo ninka gacankudhiiglah
Office Nairobi Kenya