December 4, 2024

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jir  jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa  ka hor hadashay xildhibaannada Soomaaliya oo ay gudbisay dalab culus.

Xildhibaanad Fawsiya Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore ayaa sheegtay inay rajada wanaagsan tahay, isla markaana ay Soomaaliya ay haysato fursad weyn sidaas daraadeedna ay dalbaneyno in la garab istaago.

“Kursigan waxaa u fadhida Soomaaliya ee Fawsiya ma ahan, waxaynu u baahanahay inaynu xoogga saarno, baarlamaankuna uu qaraar kusoo saaro. Weligeed Soomaaliya ma qabanin, maanta aadbaa naloogu dhega nugul yahay ” ayay tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ka bixi karto jagadaas, hadii ay ku guuleysato, ayada oo ka sheekeysay taariikhdeeda waxbarasho iyo middeeda hoggaamineed.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply