Goob ilaa kun mayl bari ka xigta Qaza, qaybo badan oo gargaar ah ayaa lagu raray diyaarad nooca xamuulka qaada oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka, taas oo laga rarray saldhigga cirka ee Al-Udeid ee Qatar.
Waxa la saaray 80 sanduuq gudaha diyaaradda , mid kastana shiraac lagu duubay kartoon lagusuii xiray baarashuud.
Quudinta Gaza hadda waa hawl adag oo halis ah,waana hawl caalami ah. Diyaardda RAF waxay fulisay labadii duulimaad ee gargaar ee ugu horreeyay toddobaadkan. Faransiiska, Jarmalka, Urdun, Masar iyo Imaaraadka ayaa iyaguna ka qayb qaadanayay.
Howlgalkan ayaa ahaa kii 18-aad ee ay fuliyaan ciidamada Mareykanka. Ku daadinta 40,000 oo cunto diyaarsanah oo lagu daadiyay aagga yar ee ah aagga dagaalka ee la go’doomiyey, waxayna u baahanyihiin safar wareeg ah oo lix saacadood ah in ay kasoo sameeyaan Doha.
Way ka qaalisan tahay kana tayo yar tahay siyaabaha kale ee gargaarka loo geeyo , sidoo kale way adagtahay in la xakameeyo.
Horraantii toddobaadkan, 12 qof ayaa loo malaynayaa inay qaraqmeen iyagoo isku dayaya inay soo saaraan xirmooyin gargaar oo ku dhacay badda. Lix kale ayaa la sheegay in ay isku buurteen ciriirigii halkaas ka jiray .
“Aad ayaan ula soconaa wararka oo dhan, waxaan isku dayaynaa inaan xaddidno khasaaraha,” ayuu yiri Maj Boone, taliyaha howlgalka, isagoo ag taagan calanka Mareykanka oo weyn oo ku yaal albaabka laga soo galo diyaaradda.
Xafiiska Wararka Muqdisho