Waxaa goor dhawayd ka soo baxay maamulka Puntland oo caado u ahayd ka hor imaadka wax kasta oo ka imaada Dowlada dhexe ee Somaliya, waxaana Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) uu eedeeyay Madaxweyne Xasan shekh.
Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.
Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka
Sidoo kale Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho