December 6, 2024

Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu xirayo meelaha cuntada lagu cuno sida maqaayadaha iyo hotelada maalintii inta lagu jiro bisha Ramadan. Habeenkii ayaa la ogol yahay in ay furnaadaan goobahaasi.

Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa uga digay maqaayadaha in ay waynayaan ruqsadda ganacsi hadii ay jabiyaan amarka.

Sidoo kale gobolka waxa uu ku amray hoteelada in aan xaflado lagu qaban karin waqtiyada dambe ee habeenka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply