October 5, 2024

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in  Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ay ugu dareen maalmo madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu soo dhiso Xukuumad.

Kulanka ayaa ahaa maanta ayaa codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda iyo soo jeedinta warbixinta guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday Golaha Wakiilada, isagoo ka dalbaday in muddo 30 cisho ah loogu daro soo magacaabista Golihiisa Wasiirada.

Sidoo kale Talaabadan oo ujeedadeedu tahay xaqiijinta wadatashi dhamaystiran, Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay waqti dheeri ah oo lagu soo dhameystiro dhismaha xukuumadiisa.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply