Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu laayay dad shacab ah oo markale kadhacay gobolka Mudug.

wararka kasoo baxay weerarkaasi ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ey xalay weerar kuqaadeen dad isku qoys ahaa oo deganaa degmadda Saaxo ee gobolka Mudug.

weerarka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 5 qof halka ey kudhaawacmeen 6 kale sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali.

Sidoo Kale Dadka la beegsaday ayaa iskugu jirya Haween iyo Ragba kuwaas oo lasocday gaari sida uu Warbaahinta usheegay guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply