Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.
Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:
- Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
- Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
- Cali Cabdi Awaare
- Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
- Bashiir Xasan Xaaji
- Fathudin Cali Maxamed
- Xuseen Cabdi Xalane
- Khadiija Cosoble Cali
- Khadra A Dualle
- Ridwan Xirsi Maxamed.
Sidoo kale Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka
Office Nairobi Kenya