Dhexdhexaadiyaasha heshiis iyo xabad-joojin ay suurtagal tahay in ay ka dhaqangasho Gaza, ayaa wali xusul-duub ugu jira ka miro dhalinta dadaallada ay wadaan, kaddib marki ay Isra’il iyo Xamaas isku fahmi waayeen qorshe ay kasoo shaqeeyeen dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar, kaasoo lagu doonayay in labada dhinac ay ku aqbalaan xabbad-joojin.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo wali ku sugan Bariga Dhexe, ayaa rajo ka muujiyay socod siinta heshiiska ay dhinacyadu kasoo shaqeeyeen, xilli maanta oo Khamiis ah lagu wado inuu magaalada Qahira gaaro, Khalil Al-Xayya oo ah sarkaal sare oo hogaaminaya wafdiga Xammaas u qaabilsan wadahadallada.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Xamaas, isaga oo ku tilmaamay “khayaali”.
Xammaas ayaa dhankeeda ku boorrisay dagaalyahannadeeda Gaza in ay dagaalka sii wadaan.
Dalabka ay Isra’il diiday ee uga yimid Xammaas ayaa dhigayay, in la helo Xabad-joojin socon doono muddo ka baxan Afar bil, taasoo inta lagu guda jiro la wada xoreyn doono dhammaan la heystayaasha Isra’iil ee gacanta ugu jira Xamaas, in ciidamada Isra’il ay muddadaasi uga baxaan Gaza iyo inta dhammaadka xabbad joojinta lasoo gaba gabeeyo dagaalka.
Dalabkaasi ayay Xamaas uga jawaabtay, qorshe xabad-joojin kasoo baxay dhex-dhexaadiyaasha riixaya xabbad-joojinta ee Qatar, Masar, iyo taliyaasha sirdoonka Mareykanka iyo Isra’il.
VOA
Office Nairobi Kenya