
Ciyaartii kooxda AC Milan ay ka badisay kooxda Udinese ayaa muddo daqiiqado ah la hakiyay kaddib markii hadallo cunsurinmo ah ay taageerayaasha Udinese kula qayliyeen goolhayaha AC Milan Mike Maignan oo ah madow u dhashay dalka Faransiiska taas oo keentay in uu caroodo garoonkana isaga baxo.
Ciyaartoyda kooxdiisa ayaa la jaal noqday oo iyana inta ay ka caroodeen hadallada lagu durayo midabkiisa isaga tagay garoonka.
Qaylada taageerayaasha Udinese ayaa timid wax yar uun kaddib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Ingiriiska Ruben Loftus-Cheek uu gool u dhaliyay kooxdiisa AC Milan.
Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka Taliyaaniga ayaa dib loo bilaabay 10 daqiiqo kaddib markii la hakiyay.
“Waxa iri ma ciyaari karno kubad cag oo noocan ah. Maaha markii ugu horreysay, sidan oo kale horey ayay u dhacday,” ayuu goolhaye Maignan u sheegay Sky Sports Italy.
“Waa in gacanta loo galiyaa ganaaxyo culculus, maxaa yeelay ka hadalka uun waxba ma soo kordhinayo.
“Waa inaan niraahnaa waxa ay sameeynayaan waa qalad. Maaha taageerayaasha oo dhan, inta badan taageerayaashu waxay u sacbiyaan kooxdooda iyo adiga. Taasi waa caadi laakiin maaha tan.”
Wuxuu intaa ku daray “wixii dhacay qaybtii hore ee ciyaarta markii goolka la baasanayay waxan maqlay sawaxanka dad u ciyaya sidii daanyeerka, waxba kama oran.
“Markii labaad ee aan kubadda doontay, mar kale ayaan maqlay. Garsooraha afaraad ayaan u sheegay iyo ciyaartoyda keyda ee kooxdeyda wixii dhacay.
“Waan carooday, maxaa yeelay maaha markii ugu horeysay ee tani dhacdo. Ma dooneyn inaan ciyaaro, laakiin qoys ayaan nahay kooxdeydana sidaa ugama tagi karo.”
Ciyaartoyda iyo maamulayaasha ciyaaraha Taliyaaniga ayaa si adag u cambaareeyay falka cunsurinimo ee lagula kacay goolhayaha kooxda AC Milan, iyagoo garab istaag u muujiyay Mike Maignan.
Office Nairobi Kenya