Tiro ka mid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhaawacmay weerar gantaal oo lagu qaaday saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaala Galbeedka Ciraaq.
Taliska dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa sheegay in maleeshiyo ay taageerto Iiraan ay beegsadeen saldhigga cirka ee Al Asad, halkaas oo ay ku suganaayeen ciidamada Mareykanka fiidnimadii Sabtida.
Tiro aan la cayimin oo shaqaale Maraykan ah ayaa ” waxa ku socota qiimaynta dhaawacyada maskaxeed ee gaaray”.
Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Ciraaq ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Weerarka lagu qaaday saldhiga ayaa waxaa sheegtay koox isku magacawday iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq.
Sida uu sheegay machadka Washington Institute for Near East Policy, kooxdan ayaa soo ifbaxday dabayaaqadii 2023-kii, waxayna ka kooban yihiin dhowr kooxood oo hubaysan oo Iiraan xiriir la leh oo ka hawlgala Ciraaq.
Kooxdan waxa kale oo ay sheegatay weerarro kale oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka toddobaadyadii la soo dhaafay.
Saldhiga Al Asad ayaa si isdaba joog ah loo weerarrayay sanadihii ugu dambeeyay.
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in inta badan gantaalladii la soo tuuray la soo riday Sabtidii balse qaarkood ay dhaafeen difaacyada cirka ayna ku dhaceen saldhigga, waxaana ay intaa ku dareen in ay socoto qiimeynta khasaarraha.
Waa weerarkii ugu dambeeyay ee weerarro xiriir ah oo xulafada Iiraan ay ku qaadayaan fariisimaha Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya tan iyo markii uu qarxay dagaalka Isra’iil iyo Xamaas ee Qasa bishii Oktoobar ee sanad kii hore.
Xigasho
Office Nairobi Kenya