Wararka ka imaanaya Degmada Balcad oo maalmo ka hor ay soo weerareen Maleeshioyaadka al-shabaab ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Degmadaas uu qalo dhaan ka soo saaray abaabul dagaal oo shabaab ku soo wadaan Degmadaas.
Guddoomiyaha maamulkaasi degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Furdug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen duleedka Balcad.
Qaasim Furdug ayaa xusay in haatan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada hoos yimaada degmada, loona baahan yahay in laga hortego.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha yimid aaggaas ay ka yimaadeen dhinaca Shabeelaha Hoose, ayna doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah HirShabelle, Balcad ayaa Muqdisho u jirta 35 Km waxaana laga yabaa in ay kala gooyaan Maleeshiyaadkaas wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ilaa Gobolada dhexe oo 2 sano ee la soo dhaafay ay furneed.
Xafiiska Wararka Muqdisho