Wararka ka imaanaya degmada Xawaadleey gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in khasaare uu ka dhashay Roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmadaasi.
Roobka ayaa la sheegayaa in uu dumiyay dhowr iyo tobon Guri waxaana laga samata bixiyay dadkii deganaa degabaa xaafadaha uu roobka saameeynta uu ku yeeshay .
Sidoo kale Webiga shabeelle ayaa Fatahaad ka geystay xaafado ka tirsan degmada Xawaadley , iyadoo maamulka iyo dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi ay gacan ka geysanayaan sidii loo xeri lahaa halka uu webiga ka fatahay.
Ugu dambeeyntii Maamuka degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa u digay shacabka degmadaasi in ay ka feejig naadaan Fatahaada Webiga shabeelle uu ka geysan karo degmadaas madaama webiga biyo badan uu wado.
Xafiiska Wararka Muqdisho