Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  oo maalmihii la soop dhaafay ku sugnaa halkaas uu la kulmay  dhigiisa dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa daba socday Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanada Qudus oo shalay ka furmay Istanbul,

Sidoo kale  kulanka ayaa diiradda lagu saaray Iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxay xoojiyeen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxayna ku dheeraadeen xorriyadda Falastiin iyo sidii xal loogu gaari lahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply