Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo booqday xaruunta dhexe ee hay’adda SoDMA, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda oo uu horkacayo Guddoomiyaha Hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiye Maxamuud ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle dedaallada ay hay’adda ka waddo guud ahaan degaannada maamulka #Hirshabeelle ee ah gargaar siinta kuwa dantayar iyo ka hortagga roobabka gu’ga in ay khasaaro xooggan kala kulmaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in shixnado gargaar ah ay hay’adda gaarsiisay qaar ka mid ah degaannada maamulka Hirshabeelle, taas oo iskugu jirta maacuun, bacaha roobka laga dugsado, bustayaal, jiingado, qalabka dhismaha, si haddii ay waxyeello timaado Alle ma qadaree ay dadka gabaad uga dhigtaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay hay’adda SoDMA shaqada ay ka qabatay degaannada maamulkaad xilligii ay jireen abaaraha iyo fatahaaddii #ElNino iyo sidii ay ugu gurmatay shacabka intii lagu guda jiray xorreynta degaannada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiinta hay’adda SoDMA la wadaagay in hadda ay billaw yihiin roobabka gu’ga, fataahadana ay ka jiraan qaar ka mid ah degaannada maamulka Hirshabelle, waxa uuna ka codsaday hay’adda SoDMA in ay u diyaar garoobaan badbaadinta dadkaas danta yar.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply