Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana socdaalkiisa ku wehliya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Maxamed Cabdullaahi.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha u gaaray Gaalkacyo ayaa ah u kuurgalidda xaalada beni’aadannimo ee ka jirta Magaalada, in uu Goobjoog ka ahaado qeybinta deeq gargaar ah oo la gaarsiinayo boqolaal danyar ah, waxana sidoo kale magaalada Gaalkacyo uu guddoomiyaha shir deg-deg ah kula qadan donaa hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka, kaas oo looga hadlayo u diyaar garowga roobka gu’ga iyo cabsida laga qabo daadad ka dhasha madaama Gaalkacyo hore sameen uga soo gaartay Xaladihii El-Niño .

 

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply