Guddoomiye Ku-Xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay hogaaminaysay ayaa Magalada Kampala ee dalka Uganda, kaga qaybgashay Shirweynihii 2-aad ee Baarlamaannada Afrika oo ku saabsan qiyamka qoyska iyo dhaqanka.

Shirkaan oo socon doona muddo sedax cisha ah ayaa looga hadli doonaa,Ilaalinta madax-bannaanida Dalalka Afrikaanka ah,Ilaalinta xuquuqda Afrikaanka ah.

Waxaan sido kale la rajaynayaa Hirgalinta madal wada-xaajoodd oo midaysan Baarlamaan-goboleedka Afrika si wax looga qabto caqabadaha, Ka hortagaya gumaysiga dhaqameed ee shuruucda, siyaasadaha iyo barnaamijyada Afrikaanka ah ee waxbarashada, caafimaadka, iyo xuquuqda aadanaha.

 

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply