Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Netherland ayaa kulan afur ah u sameeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee magangalyo doonka ee dalka Netherland,

Kulankan afurka ah oo lagu qabtay magaalada Zwolle ee dalka Netherland ayaa waxaa ka qaybgalay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee magangalyo doonka ee dalka Netherland iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherland.

Dhallinyaradii loo qabtay kulankan afurka ah iyo qeybaha kale ee ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Netherland Cabdiqadir Cali Noone garab istagìisa iyo cawinta dhallinta Soomaalityeed, iyagoo ku booriyay in Guddoomiyuhui uu sii wado wax u qabashada Jaaliyadda iyo dhallinyarada ku jirta xeryaha qaxootiga ee dalka Netherland.

Gudoomiye Cabdiqaadir ayaa dhallinyada ugu baaqay in ay gacanta is qabsadaan, kana fogaadan waxkasta oo maandooriye ah iyo falalka dambiyada la xiriira, ayna si wanaagsana ula noolaadaan bulshada kale ku nool Netherland.

.

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply