December 4, 2024

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.

Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.

Waxa uu ku tilmaamay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif shaqsiyaad siyaasad ka dhex raadinaayo xaalada iyo ansixinta Dastuurka.

Sidoo kale Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply