Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane. Maxamuuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenkiisa, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay wakiilka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ku xigeenkii madaxa WFP ee Soomaaliya Mudane. Baimankay Sankoh oo hadda xafiiska banneynayay iyo Mudane. John oo shaqada kala wareegaya ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada dhinac, loona dardar galin lahaa iskaashiga dadaallada bani’aadannimo.

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA, ayaa si weyn uga mahad celiyay Md. Baimankay shaqada hagar la’aaneed ee uu ka qabtay dalka inti uu xafiiska joogay, isagoo dhanka kale Md. John u rajeeyay la qabsi degdeg ah, una ballan qaaday wada-shaqeyn sarreysa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply