Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib-uheshisiinta Jubbaland ayaa ka warbixisay habsami u socodka shaqada Wasaaradda iyo mashaariicda kala duwan ee Xoojinta Federaaleynta iyo Dowladdaha Hoose, waxay sidoo kale Wasaaraddu faah-faahin ka siisay Golaha halka uu marayo dhismaha golayaasha deegaanka oo dhawaan laga bilaabi doona degmooyinka Jubbaland.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland ayaa warbixin ka siisay golaha safarkeedi shaqo oo ay ku soo martay deegaanada Diif, Wadajir iyo Tuulo barwaaqo, kuwaas oo lagu soo indha indhaynayay sida loo gaarsiin lahaa adeeg bulsho isla markana laga soo dhagax dhigay goobo waxbarasho.

Wasaaradda Gar-gaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Golaha la wadaagtay saameyntii roobabkii deyrta ahaa ay geysteen iyo sidii looga hortagi lahaa barnaamijka saameynta yeeshay ee loo yaqaan ‘Aid Diversion’. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay gurmadka raashiin oo ay gaarsiiyeen deegaanka Jannaa Cabdalla.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa ka warbixisay safarkeedii shaqo oo ay howlwadeennada Wasaaraddu ku tageen degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale Golaha looga dhageystay warbixinta ku saabsan isdhexgalka Ciyaarihii iskuulada iyo doorashada Ururka Kubadda Cagta ee Jubbaland.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply