November 12, 2024

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya falkii foosha xumaa ee ka dhacay Muqdisho 26 bishii hore markii uu nin naagtiisa ku gubay kadibna ay dhimatay.

 

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa war cusub kasoo dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday Muqdisho, taas oo uu nin la sheegay inuu maseeray ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd.

 

Yabooh ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uusan haatan ku sugneyn magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isaga oo xusay in uu joogo gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in ninkaasi uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, balse uu ku baxay safar dhinaca dhulka ah.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply