September 12, 2024

 

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

 

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka Khawaarijta Argagixisida ah.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply