.
Wararka ka imaanaya magaalada Nairoibi ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Kenya ay xabsiga dhigeen shaqsi u ololeeya Kaligii Taliye Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu magacaabo Cali Jike ku jire.
Guddoomiyihii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa galabta lagu xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyey xildhibaanka ku metela golaha shacabka.
Askar ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa Cali Yare ka watay xarunta Wastget Mall ee bartamaha Nairobi, intaas kadibna waxaa soo baxay warka sheegay in la xiray Cali Yare.
Sidoo kale Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo golaha shacabka ku metela Cali Yare ayaa Maqribkii sheegay in la xiray Cali Yare, isla markaana uu raadinayo xiriirkiisa, bulshadana uu la wadaagi doono sababta loo xiray.
Office Nairobi Kenya