Senator Cabdullaahi Fartaag ayaa ugu baaqa Dowlada Kenya in ay sii dayso Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Fartaag oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose qaasatan gobolka Gedo, ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka Somalia ayaa maanta si kulul uga hadlay xaalada Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.
Sidoo kale Senator Fartaag ayaa waxa uu fariin culus uu udiray dowladda Kenya, isagoona sheegay in si deg deg ah usoo deyso Cabdirashiid Janan dowladda kenya madaama xaaladiisa walaac xooggan laga muujinaayo hada.
Senator Cabdullaahi Fartaag ayaa waxa uu intaasi hadalkiisa uu kusii daray in hadii dowladda Kenya ey dacwad u qabto Cabdirashiid Janan ay kusoo wareejiso dowladda Somalia kadibna wixii dacwad ay ay furato.
Office Nairobi Kenya