Gudi ka kooban Culuma-udiin iyo Odoyaal dhaqameed ayaa Booqday Deegaanka Eji oo hoostagta Degmada Jalalaqsi halkaasi oo dhawaan uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelled oo sababay in la gubo guryahii ku yaallay deegaankan.

Ku dhawaad Kun Guri ayey Maleeshiyo Hubeeysan ay dab qabad-siiyeen todobaadkii hore, waxaana halkaasi iskaga barakacay Dadkii daganaa deegaankan oo u badnaa dad Beeraleey ah,

Culuma-udiinka Deegaanka Booqday ayaa wacyigalin usameeyay Labada Beellod ee dagaalka u dhaxeeyay, waxaana ugu baaqeyn in dagaalka lagu Joojiyo Si Sharuud la’aan ah.

Odoyaasha iyo Culuma-udiinka ayaa Cambaareeyay Falkii lagu gubay guryaha dadka shacabka ah dagaanaayeen iyo dadkii wax ku noqday.

Sidoo kale Odoyaasha iyo Culuma-udiinka ayaa ku dhawaaqay Xabad Joojin deg deg ah oo ku aadan Labada Beelood ee dagaalka u dhaxeeyay. Taasi oo soconeeyso Mudo sadax Maalin ah kadibna leeysku keenayo dadkii dhibaatada dhax martay.

Sidoo kale Waxaa ay soo saareeyn Baaq wadajir ah oo ku aadan in Dowlada Soomaaliya, Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adaha Samafalka in laga qeeyb qaato Sidii dadka danyar ee guryaha laga gubay loogu dhise lahaa guryahooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply